FAAIIDOOYINKA AROORTA HORE IN AAD CABTO BIYO AAN QABOOBEEN

FAAIIDOOYINKA AROORTA HORE IN AAD CABTO BIYO AAN QABOOBEEN.

waxaan kuu hayaa saaka 6 faaiido oo hadaad joogteyso cabidda biyaha caadiga ah aroorta hore aad heli doonto.

garsiye.com
Source: https://pixabay.com/en/bottle-mineral-water-bottle-of-water-2032980/

WAXAY NADIIFIYAAN DHEEFSHIIDKA.

biyo diiran qiyaastii 1liitar ah oo aad subaxdii cabto ayaa kaa caawin kara inaad nadiifiso jirkaaga adoo ka nadiifinaya sunta. Biyaha iyo dareerayaasha kale waxay kaa caawiyaan inay jebiyaan cuntada calooshaada ku har-hartey kuna hayaan nidaamka dheef-shiidk mid dheeli tiran.

WAXAY JILCIYAAN CALOOSHA .

Cabbitaanka biyo diiran oo aad subaxdii caloosha oo maran aad cabto waxay gacan ka geysan kartaa kor u qaadista dhaqdhaqaaqa caloosha iyo in la jilciyo saxaradii si qofku ay calooshiisa ay u noqoto mid normal ah oo aan adkeyn.

3= WAXAY HOOS U DHIGAAN XANUUNKA GUMAARKA IYO MADAXWAREERKA

Biyaha diirran ee aad cabto aroorta hore waxay kaa caawin karaan in aad ka bugsooto xanuunka caadada ee gumaarka ah ilaa madax xanuun iyo murqo xanuunkaba.

4= MIISAAN KAADA AYEY HOOS U DHIGI KARAAN.

cabitaanka biyo diirran subaxdii hore waxay ka caawin kartaa miisaan luminta. Biyaha diirran ayaa kordhiya heerkulka jirka, taas oo kordhisa heerka dheef-shiid kiimikaadka. Kororka dheef-shiid kiimikaadka wuxuu u oggolaanayaa in jirka uu gubo baruurta badan inta lagu jiro heerka. Waxay sidoo kale kaa caawin karaan habka caloosha iyo mindhicirka si ay u shaqeeyaan in ka sii fiican sidoodii.

5= WAXAY HORMARIYAAN WAREEGA DHIIGA.

Cabidda biyo diiran aroorta hore ayaa jirkaada u ogalaanaya in wareega dhiigu ahaado mid isku dheele tiran oo si fiicana u shaqeeya iyagoo ka caawinaya jirka in laga nadiifiyo sunta.

6= WAXAY DAAWO U YIHIIN EKFESHINKA.

in aad cabto biyo badan aroorta hore ayaa kaa caawinaya in aad ka bogsato xanuunka ekfeshinka ee ku dhaca wareega kaadi mareenka ilaa dhabarka,
Biyaha ayaa u ogalanaya in ay soo xaaqaan bakteeriyada taala kaadi marernka.

TALLO
Joogtee oo subax walba markaad toosto naftaada bar in aad cabto biyo aan qaboobeen oo caadi ah 2 galaas ama 3 galaas hadba midka aad awoodo.

Xigasho: Dr Amen

Hadii aad ka hesho halka hoose faalo ku reeb

Leave a Reply