31 jirkaan ayaa loo keenay diyaarad cusub oo uu ugu safri karo adduunyada iyo asxaabtiisa si raaxo leh.
Iyadoo ka mid yahay xiddigihii ugu weynaa ee abid lagu arkay kooxda Barcelona, Lionel Messi wuxuu u qalmaa inuu u safro meel kasta hab u qaas ah.
Hada, halyeeyga gaarka ah ee kubada cagta, geesiga Barcelona ayaa meel walba oo adduunka ah la imaan kara qoyskiisa iyo asxaabtiisa runta ah.
Shirkad Argentine ah ayaa diyaarisay diyaarad loo qoondeeyey 31-jirkan iyo qoyskiisa oo ay leedahay jiko, labo musqulo iyo 16 kursi oo loo badali karo siddeed sariirood.
Dhanka dibedda, waxaa lagu calaamadiyay saxiixiisa 10aad, Nambarka 10aad oo ah midka uu u qaato Kooxdiisa Barcelona iyo waliba Xulka qarankiisa Argentina sidaas darteed cidkasta oo aragto waxay ogaan doontaa Calaamadaha Argentina.
Waxay xitaa leedahay magacyada xiddiga Argentina, xaaskiisa, Antonella, iyo seddex caruur ah, Thiago, Ciro iyo Mateo, oo ku qoran talaabooyinka Jaranjarada laga koro diyaarada.
Inkasta oo Messi uusan iibsan duulimaadka, waxaa laga iibsaday shirkad, kaas oo rajeynaya inuu u jeesto ganacsi caqli-gal ah isaga oo soo jiidanaya mustaqbalka kiraystayaasha hodanka ah ee raba inay ku safraan diyaaradda oo qaatay mid ka mid ah laacibka adduunka ugu fiican .
Messi ayaa soo bandhigay isbuucaan in uu weli ku duulayo kubada heerka ugu sareysa ciyaarta, isagoo dhaliyay labo gool oo laad xor ah, islamarkaana gool ku caawiyay kulankii ay 4-0 kaga badiyeen Espanyol.
Ma ahan markii ugu horeysay ee uu dhaliyo labo gool oo laad xor ah hal kulan uu ciyaaray, wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee taariikhda La Liga dhaliyaa 10 gool ama in ka badan 13 xilli ciyaareed oo isku xigta.
Waxa uu haatan marayaa 17 gool iyo 10 caawiye, isagoo ka soo muuqday 17 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, wuxuuna Barca ka caawiyay inay seddex dhibcood hogaanka ku heyso La Liga islamarkaana u gudubto wareega 16ka Champions League.