Sidee loo daaweeyaa xanuunka Yirid-ka

yiridka,daawada gowska,dawada afka,faaiada,si fudud halagaaga daweeyo cudurka yiridka dr macsari,dabada,dawada fudud ee afka halkan ka daawo,somalia,daawada gows xanuunka adigoo gurigaaga jooga,daawo,soomaali,faaidada timirta,babasiirka,wadani,faaidada biyaha,somaliland,caafimaadka,bawasir,jaamacada dalka somlia,dhiigkar,faaidada,jacaylka,gawsaxanuunka,halkan ka daawo,libaax iskudaya,wasmo,raaxo,warar,arday,sidee

Yirid (Gingivitis)

Sidoo kale waxaa lagu magacaabaa: ( gum inflammation) , Soomaali ahaan una aqaano Adiga hadii aad taqaano fadlan comments-ka noogu reeb.

Yiridku waa infekshan ku dhaca ciridka, waxaana keena jeermis, kaasoo ka yimaadaa marka ay ka buuxsanto wasaq ama huuro inta u dhexeysa ilkaha iyo cirridka. Huuradu “Plaque” waa lakab ilkahaaga ku dhega oo ka yimaada cuntada, jeermiska iyo dheecaanka. Waqti ka dib huurada waxaa ku tarmo jeermis cirridka ku dhaca. Sababta waa nadaafad darada afka ah.

Yirid-ka oo aan la daaweyn wuxuu keeni karaa ilkaha oo kaa daata (dhaca) iyo xaalado kale oo halis ah.

Astaamaha waxaa ka mid ah cirridka oo barara, ciridka oo hoos ka qodma, mararka qaar jilicsan ama si fudud u dhiig baxa.

Astaamaha Yiridka:

= cirridka oo dhiiga
= neeftaada oo urta
= ilkaha dabacsan
= cirridka oo gaduuta
= ilkaha oo daata
= ilko xanuun ama boogo lagu yeesho ciridka
= intaas waxaa dheer hilibka qaarkood oo ku dhiba cunidiisa sida hilibka geela.

Sidoo kale waxaa caadi keena: lakabka ilkaha kuwaas oo wasaqda kuu keediya.

Yiridka ma la daweyn karaa?

Haaa! Waa la Daaweyn karaa waana laga hortagi karaa.

Hadii aad ilkahaaga si fiican u cadayayso maanlinta 2 goor ama in kabadan oo aad isticmaasho daawoooyinka ka hortagga bakteeriyada si aad uga caawisid la dagaalanka huurada iyo neefta xun oo aad u hesho meelahan adag ee aan la gaari karin ee bakteeriyadu ku dhuuman karto sida ilkaha dhexdooda, waxaa ku sahlanaaneyso inaad daaweyso yiridka.

Yiridku ma lagu daweyn karaa guriga?

Biyo diirran ayaa ku caawin kara nabarka iyo bogsashada cirridka. Nadiifinta joogtada ah, oo macneheedu yahay laba jeer maalintii, waa tallaabada ugu horreysa (Hey’ada caafkmaadka Maanta waxa ay soo jeedinayaan isticmaalka burushka ilkaha). Waxaad u baahan doontaa inaad ku darto findhicilka  ilkaha joogtada ah iyo isticmaalka daawooyinka wanaagsan ee antiseptic si loo baabi’iyo Yiridka marxaladaha hore.

Yirid-ku ma iska tagi karaa isagoo la daaweyn?

Maya, Hadii aad isku dayso waxay sababi kartaa dhibaatooyin kale oo ilkaha ah,  xitaa waxaa laga yaabaa inaad ku wayso ilkahaaga. Yirid-ka waxaa lagu daaweyn karaa daryeelka ilkaha ee dhakhtarka ilkaha iyo guriga. Yiridka wuxuu kaa tagi karaa hadii nadiifinta ilkaha lagu dadaalo, laakiin wuu soo noqon karaa haddii aanad ku nadiifin ilkahaaga si haboon guriga.

Mudo intee le’eg ayay qaadanaysaa in la daaweeyo Yirid-ka (gingivitis).?

Waxaad filan kartaa inaad aragto wanaajin ka dib maalmo yar oo daaweyn ah, laakiin waxay qaadan kartaa mudo ah calaamaduhu si buuxda inay u tagaan. Xaaladaha badankood, yiridku sida caadiga ah wuxuu ku baxaa 10 ilaa 14 maalmood. Haddii yirid-kaagu aad u daran yahay, waxay qaadan kartaa waqti intaas ka dheer si loo daweeyo.

Is-daryeelid

Findhicilka ilkaha (Huurada oo laga bixiyo ilkaha dhexdooda ugu yaraan hal mar maalintii waxay yareyn kartaa khatarta ah in ku dhaco cudur cirridka.)

Caday ilkaha (laba jeer maalin walba waxay yareysaa halista ah godadka iyo jeermiska gala cirridka.)

Eucalyptol / Menthol / Salicylic acid / Thymol
( oo ah Mouthwash oo gacan ka geysan kara yareynta ciridka dillaaca iyo caabuqyada cirridka.)

Daaweynta biyaha cusbada.

Natiijooyinka daraasaddan 2016 waxay muujisay in isticmaalka maydhista biyaha cusbadu ay faa’iido u yeelan karto bogsashada cirridka oo ku ciribtirma jeermiska.

Biyaha cusbadu waxay kaloo noqon karaan:

Caawinta xanuunka
yareyso bakteeriyada
Ka qaado qayb ka mid ah cuntada
naaquska xun.

Si aad u isticmaasho maydhin biyo cusbo ah:
1. Ku dar 1/2 ilaa 3/4 qaado oo cusbo ah galaas biyo diirran u sameyso oo si fiican iskuna qas.
2. Ku luqluqo afkaaga illaa 30 ilbidhiqsi.
3. Iska tuf
4. Ku celi laba ilaa saddex goor maalintii.

Isticmaalka biyo cusbo ah oo marar badan ama muddo dheer ayaa laga yaabaa in ay saameyn la taaban karo ka hesho. Isticmaalka muddada dheer wuxuu sababi karaa ilkahaaga in ay dillaacaan.

W/Q: Guled Gurey

Hadii aad ka hesho halka hoose faalo ku reeb

Leave a Reply