10-ka Ciyaaryahan Ee Taariikhda Ugu Wanaagsan oo FIFA soo saartay

10. Alfredo di Stefano

Abaalmarinada: 1957dii iyo 1959kii Ballon d’Or, 5 mar European Cup, hal mar Intercontinental Cup, 8 mar horyaalka La Liga, 5 mar abaalmarinta Pichichi, Kooxda ugu wanaagsan qarniga 20aad, hal mar Copa del Rey.

“Dadka waxay ku doodaan Pele iyo Maradona. Laakiin Di Stéfano waa midka ugu fiican .” ( Waxaa dhahay Pele).

“Di Stéfano waa mid kamid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan taariikhda kubada cagta .” (Alex Ferguson)

“Ciyaaryahanka ugu dhameestiran dhinac walbe kubada cagta.” (Eusebio)

“Wuxuu ahaa mid ku dayasho mudan hadii aan dooran lahaa ciyaaryahan waa saga oo kaliya.” (Bobby Charlton)

Intaan kadib waxay ila tahay in aadan waxbo uga baahneen inaa ka ogaatid Di Stéfano.

9. Roberto Baggio

Abaalmarinada: 1993dii Ballon d’Or, 1993dii FIFA World Player of the Year, ciyaaryahanka qarniga ugu wanaagsan Talyaaniga, 1994tii FIFA World Cup kubada qalinka, 2 mar Scudetti, hal mar EFA Cup, hal mar Coppa Italia.

8. Michel Platini

Abaalmarinada: 1983, 1984, iyo 1985 Ballon d’Or, France ciyaaryahanka qarniga, 2 mar ciyaaryahanka sanadka France, 3 mar Capocannoniere, 1984tii UEFA European Championship ciyaaryahanka tartanka ugu fiican, 1984tii UEFA European Championship, 1 mar European Cup, 2 mar Scudetti, hal mar horyaalka Ligue 1, hal mar Coppa Italia, 1 mar Intercontinental Cup.

Michel Platini waxaan ku naqaanay inuu ahaa madaxweynaha UEFA.

Xasuuso markaan dhahay Bobby Charlton wuxuu ahaa sida Frank Lampard, Laakiin Platini wuxuu ahaa sida Frank Lampard qiyaas ahaan 200 mar ayuu ka fiicnaa.

Michel Platini wuxuu ahaa ciyaaryahanka ugu goolasha badan taariikhda ciyaartoyda qadka dhexe ka ciyaarta.

7. Cristiano Ronaldo

Abaalmarimada: 2008, 2013, 2014, 2016 iyo 2017 Ballon d’Or, 4 mar kabta dahabiga ah ( European Golden Shoe ), 2 mar PFA ‘, UEFA Champions League ciyaaryahanka ugu goolasha badan, Real Madrid ciyaaryahanka ugu goolasha badan, 5 mar UEFA Champions Leagues, 2 mar La Liga, 3 mar koobka Premier League, ha mar Scudetto, 2 mar Copa del Rey, hal mar FA Cup, hal mar UEFA European Championship.

Haa! Haa! Waan ogahay waad xanaaqsan tahay sababtoo ah waxaa tahay Taageero Ronaldo.

Laakiin maahan inaa xanaaqdo xaqiiqda ayaa tan ah.

Cristiano Ronaldo wuxuu ka galay Liiska FIFA kaalinta 7aad, marka aya kuu dhamaato akhrinta warbixintaan iska naso koob Kafey ahna Qac ka sii.

Ronaldo wuxuu la mid yahay ciyaaryahanka Franco Baresi – FIFA ayaa Ronaldo ku sheegtay inuu yahay mid kamid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan Taariikhda kubada cagta.

6. Ronaldo

Abaalmarinada: 1997 iyo 2002 Ballon d’Or, 1996, 1997 iyo 2002 FIFA World Player of the Year, 1998dii kubada dahabiga ah ee koobka aduunka ( World Cup Golden Ball ), 2002dii kabta dahabka koobka aduunka ( World Cup Golden Shoe ), 1996dii iyo 1997dii kabta dahabka Yurub ( European Golden Shoe ), 1994tii iyo 2002dii koobka aduunka ayuu ku guuleestay ( FIFA World Cup ), 1997dii iyo 1999kii Copa America ayuu ku guuleestay, 2 mar abaal marinta Pichichi, 1998dii Serie A ciyaaryahanka sanadka ugu wanaagsan, 2 mar La Liga, 1 mar Copa del Rey, hala mar KNVB Cup, 1 mar UEFA Cup, hal mar Intercontinental Cup.

Ronaldo dhaawaca jilibka ka gaaray kaliya inay tahay waxa ka joojiyay inuu noqdo ciyaaryahanka taarikhda kubada cagta ugu wanaagsan waliba mid aan lagu riyoon in la gaaro heerkiisa.

Wuxuu dhaawacmay 23kii November 1999kii – R9 wuxuu ahaa da’yar soo waday wacadaro.

5. Zinedine Zidane

Abaalmarinada: 1998, 2000 iyo 2003 FIFA World Player of the Year, 2002dii UEFA Club Footballer of the Year, 2000 iyo 2001dii ciyaaryahanka ugu wanaagsan Serie A, UEFA Champions League ciyaaryahanka ugu wanaagsan 20kii sano ee la soo dhaafay, L’Equipe ciyaaryahanka ugu wanaagsan taariikhda France, 2006dii kubada dahabiga ah ee koobka aduunka, Ciyaaryahanka kaliya ee 3 horyaal oo waaweyn looga magavaabay ciyaaryahanka sanadka, Goolasha ugu badan Finalada Koobka Aduunka, 1998dii Koobka Aduunka, 2000 UEFA European Championships, 1 mar Champions League, 2 mar Scudetti, 1 mar horyaalka La Liga, 1 mar koobka Intercontinental Cup.

Wuxuu dhaliyay 3 gool finalada Koobka Aduunka iyo waliba goosha ugu qurxoon ee kulan kama dambays ah la dhaliyo (Final) taarikhda UEFA Champions League sanadii 2002da,

Ciyaaryahankaan waxaa lagu amaanay kalsoonida xiliyada uu garoonka ku jiro

4. Franz Beckenbauer

Abaalmarinada: 1972 iyo 1976 Ballon d’Or, Sidoo kale kooxda abid ugu fiicneed FIFA World Cup, 1966dii ciyaaryahanka ugu wanaagsan da’ yarta koobka aduunka, 4 mar ciyaaryahanka Germany ugu wanaagsan sanadka, Sidoo kale wuxuu ku guuleestay 1974tii FIFA World Cup, 1972diiUEFA European Championships, 3 mar European Cups, 5 mar horyaalka Bundesliga, 4 mar DFB-Pokals, iyo hal mar oo uu ku guuleestay Intercontinental Cup.

Iyadoo FIFA  Paolo Maldini u aqoonsatay ciyaaryahanka ugu dhameestiran 30kii sano ee la soo dhaafay, Hadana Franz Beckenbauer waxay u aqoonsatay ciyaaryahanka ugu dhameestiran taariikhda kubada cagta.

Waxyaalaha ay FIFA ku qiimeesay:

Gool dhaliye ma yahay : HAA.

Difaac dhameestiran ma yahay : HAA.

Ciyaaryahan wanaagsan: HAA.

Heer sare ma yahay : HAA.

Hogaamiye ma yahay : HAA, waliba si cajiib ah.

Guuleeste ma yahay : HAA.

Franz Beckenbauer wuxuu ahaa ninka ka dambeeyay awooda ay keedahay Germany hada iyo koobabka sanado badan… Waana mid aad wada ogtihiin awooda Germany ay kubada cagta ku leedahay

Sidoo kale wuxui kamid yahay labada difaac ee ku guuleestay Ballon d’Or. Haa, waliba wuxuu ku guuleestay 2 mar.

3. Diego Maradona

Abaalmarinada: 1986 FIFA World Cup, 1986 FIFA World Cup Golden Ball (kabta dahabiga ah), 1985tii wixuu ku guuleestay ciyaaryahanka ugu wanaagsan Serie A, Wuxuu kamid noqday kooxda kugu wanaagsan taarikhda FIFA World Cup-ka, FIFA Goal of the century ( goolka qarniga ), 2 mar ciyaaryahanka koonfurta Ameerika ugu wanaagsan sanadka, 4 mar ciyaaryahanka ugu wanaagsan Argentine, 2 mar abaalmarinta Scudetti, hal mar Coppa Italia, hal mar Copa del Rey, hal mar UEFA Cup.

Haye maxaa ka dhigaayo Diego Armando Maradona ciyaaryahanka 3aad ee taariikhda ugu wanaagsan ?

Xaqiiqdii wuxuu ku guuleestay FIFA World Cup si ciyaaryahan kale horay ugu guuleesan.

Sidoo kale wuxuu ku biiray SSC Napoli iyadoona la garaneen kana mid ah kooxaha ugu liitay markaas horyaalka Serie A – Wuxuuna ka dhigay mid kamid ah kooxaha ugu waaweyn lagana cabsado qaarada Yurub.

2. Pele

Abaalmarinada: Goolasha ugu badan (Taarikhda kubada cagta Ciyaaryahanka ugu goolasha badan), FIFA Player of the Century ( ciyaaryahnka qarniga ), Ciyaaryahanka ugu goolasha badan taariikhda Brazil, Coyaaryahanka ugu goolasha badan taariikhda Santos, Ciyaaryahanka ugu yar ee ku guuleestaa FIFA World Cup, Ciyaaryahanka ugu caawinta (assist) badan taariikhda Koobka aduunka, 1958, 1962 iyo 1970kii wuxuu ku guuleestay FIFA World Cup, Final-ka koobka aduunka goolasha ugu badan, 2 koob Libertadores, 6 koob oo Campeonato Brasilerio Serie A titles, 2 Intercontinental Cups, 1970 FIFA World Cup Golden Ball ( Koobka dahabiga ah ).

Maxaa ka dhigay ciyaaryahanka 2aad ee ugu wanaagsan taariikhda kubada cagta?

Xaqiiqdii Pele waa ciyaaryahanka ugu muhiimsan dunida laakiin Liiskeena waxaa loo geeyay kaalinta 3aad waa waqtiga uu ciyaari jiray oo sharciyada sida hada u adkeen , Waloo dadka qaar aya leeyihiin xiligaas Hobsayt ma jiri.

1. Lionel Messi

Peak: 2009-12

Abaalmarinada: 2009, 2010, 2011, 2012 & 2015 Ballon d’Or, 2009 FIFA World Player of the Year.

Ciyaaryahanka goolasha ugu badan dhaliyay taariikhda Barcelona, La Liga ciyaaryahanka taariikhda ugu goolsha badan, 6 mar ayuu ku guuleestay abaal marinta Pichichi oo ah gool dhaliayaha sanadka Laliga, Gool dhaliyaha ugu badan taariikhda Argentiin.

Ciyaaryahanka kaliya ee dhaliyaa goolasha ugu badan taarikhda mudo hal sano gudaheed (12 bilood) wuxuuna dhaliyay 91 gool sanadkii 2012ka, 2015 UEFA Men’s Player of the Year, 7 mar ayuu ku guuleestay La Liga ciyaaryahanka ugu wanaagsan sanadka.

2014 FIFA World Cup Golden Ball (kubada dahabiga ah), 2005 ciyaaryahanka ugu wanaagsan da’ yarta sanadka, 5 mar ayuu ku guuleestay European Golden Shoe (kabta dahabiga ah) , 4 mar koobka Champions League-ka, 9 mar koobka La Liga, 6 mar koobka del Rey.

Halkaan kuma soo koobi karno koobabkiisa dhamaan sababtoo ah 34 koob ayuu ku guuleestay wadar ahaan.

Qof ayaa twitter-kiisa kusoo qoray ” Messi waa lama gaaraan ( aan la gaari karin ) , Hadii aadan igu raacin waxbo kama taqaanid kubada cagta “

Si kastaba ha ahaatee waxaa la isku raacay inuu yahay ciyaaryahanka taarikhda kubada cagta ugu wanaagsan, Waxaana lagu sheegay in uu ka imaaday duni kale.

Amaanta gaar ahaaneed:

Waa ciyaaryahanka kaliya ee ku guuleestay 4 mar isku xigto abaal marinta Ballon d’or.

Ciyaaryahanka kaliya ee dhaliya 21 kula ee isku xigta horyaalka La Liga ama horyaalada caalamka (33 gool).

Ciyaaryahanka kaliya ee dhalaiya in ka badan 40 gool xili ciyaareed walba   10 xili ciyaareed ee isku xigta (2009/10  ilaa iyo  2018/19).

Ciyaaryahanka ugu da’da yar ee ku guuleesta 4 mar Ballon d’Or : 25 sano, 6bilood iyo 15 maalin.

Ciyaaryahanka ugu badan ee 3 ugu horeesa Ballon d’Or soo galay 11 mar (2007 ilaa 2017).

Ciyaaryahanka ugu badan ee ku guuleestaa Kabta Dahabiga qaarad Europe ( European Golden Showle ): 5 mar.

Ciyaaryahanka ugu goolasha badan Taariikhda La Liga: 419 gool.

Hadii aad ka hesho halka hoose faalo ku reeb

This Post Has One Comment

  1. Shiine

    Wey fcntahay warbixinta lkn update gareya wax badan aya kadambeyo

Leave a Reply