Faa’idooyinka Toonta Iyo Xanuunada Ay Daawayso
Toonta oo ah mid inta badan bulshada caalamku wada taqaano, loona isticmaalo cuntada iyadoo si yaabo kala duwan loogu daro ama loogu kariyo ayaan idiin soo gudbineyna waxyabaha ay ka tarto caafimdaka qofka aadna u badan oo ay qani ku tahay sida culimada caafimaadku sheegeen.
Waxaana qoraalkan aanu kasoo xiganay wargeyska caafimaadka caanka ku ah ee Livestrong.com, kaas oo khubaro aqoon leh ay wax ku qoraan sida ku xusan.
Faa’iidada caafimaad ee lagu tilmaamay mucjisooyinka Toonta wax tarka ay leedahayna waxaa ka mid ah.
1- Jidhka ayay ka ilaalisaa sunta iyo jeermiska.
2- Caloosha ayay nadiifisaa marka lagu darsado malab.
3- Dhiig karka ayay u fiican tahay iyado dejisa.
4- Kaadida ayay socodsiisaa, Iyadoo furta wadooyinka ay marto.
5- Hargabka way ka hortagtaa.
6- Calool xanuunka dawo ayay u tahay.
7- Qufaca way joojisaa.
8- Kansarka ayay la dagaalantaa, Iyadoo dawo u noqota qofkii qaba.
9- Gooryaanka ayay dishaa.
10- Cadhada qofka ku dhacda way yaraysa.
11- Maskaxda ayay u fiican tahay oo (xafidaada ayay kordhisaa)
12- Ciridka iyo ilkaha way xoojisaa.
13- Awoodda galmada ayay badisaa.
14- Madax xanuunkana waa u dawo.
15. Finanka wajiga ay baabi’isaa.