Rikoorada Taariikhiga ah ee Premier League ka

Horyaalka caalamka ugu wanaagsan ee lagu magacaabi jiray English football waxaa la badalay magaciisa  sanadihii 1992dii ilaa 1993dii taas oo la macni ah (1992-93 season) waxaana loo bixiya Premier League . Hadab maqaalkaan wuxuu ka hadlayaa kaliya rikoorada iyo koobabka horyaalka Premier League lagasoo bilaabo sanada magacaas uu qaatay.

Rikoorada Horyaalka.

Rikoorada Koobabka:

™Kooxda ugu badan koobkan heesata: 13 koob, Waxaa heesata Manchester United.
™Kooxda ku guuleysatay waqtiyo isku xiga: 3 xili ciyaareed, Waxaa heesata Manchester United (1998–99, 1999–2000, 2000–01) sidoo kale waxay sameysay mar labaad Manchester United (2006–07, 2007–08, 2008–09).

™Kooxda ku guuleysatay horyaalka farqiga ugu badan ee dhibcaha: 19 dhibcood, 2017–18; waxaa heysata Manchester City (100 dhibcood) iyadoo kaga qaaday Manchester United oo laheed 81 dhibcood.

™Farqiga u yar xaga dhibcaha ee lagu kala qaaday horyaalka: 0 dhibcood iyo 8 gool farqi ah: Waxaa heesata Manchester City oo laheed 89 dhibcood iyo 64 gool (+64) xilli ciyaareedkii 2011–12; iyadoo kaga qaaday Manchester United oo lahay 89 dhibcood iyo 56 gool (+56).

Labada kooxood ayaa lahaa min 89 dhibcood, Laakiin Manchester City ayaa kaga guuleesatay Manchester United– Waana marki u horeesay oo lagu qaado farqiga goolasha horyaalka Premier League.

Rikoorka Guulaha Horyaalka:

™Guulaha ugu badan kulamada oo dhan :  Manchester United ayaa heesato 650 kulan.

™Guulaha ugu badan hal xilli ciyaareed: Manchester City ayaa heesata 32 kulan sanadihii (2017–18, 2018–19).

™Guulaha ugu badan ay koox gurigeeda ku gaarto hal xilli ciyaareed: 18 kulan waxaa heystaan
Chelsea  (2005–06)
Manchester United (2010–11)
Manchester City (2011–12[5], 2018–19)

™Guulaha ugu badan koox marti ah: Waxaa heesata Manchester City iyadoo badisay 16 kulan (2017–18).

™Guulaha ugu yar hal xilli ciyaareed: waxaa heesata Derby County iyadoo badisay 1 kulan (2007–08).

™Guulaha ugu badan oo xiriir ah: 18 kulan, Waxaa heesata Manchester City  (26 August ilaa 27 December 2017)

™Guulaha xiriirka ah kulamada u horeeyo horyaalka: 9 kulan waxaa heesata Chelsea (14 August ilaa 15 October 2005tii).

™Guulaha xiriirka ah ay koox gurigeed ku gaarto: 20 kulan, waxaa heesata Manchester City (5 March 2011 ilaa  21 March 2012kii).

™Guulaha xiriirka ah ay koox gaarto iyadoo marti ah: 11 kukan, waxaa wada heestaan kooxaha:
Chelsea (6 April – 7 December 2008dii)
Manchester City (21 May – 27 December 2017kii)

™Kulamada xiriirka ah oo ay koox wax guul ah gaarin: 32 kulan oo guul la’aan ah, Waxaa heesata Derby County (2007–08).

Guuldarada:

™Guul darada ugu badan: 368 kulan waxaa heesato Everton.

™Guul darada ugu badan hal xilli ciyaareed: 29 kulan, waxaa wada heestaan
Ipswich Town (xilli ciyaareedkii 1994 ilaa 1995tii)
Sunderland (xilli ciyaareedkii 2005 ilaa 2006dii)
Derby County (xilli ciyaareedkii 2007 ilaa 2008dii)

™Guuldaro la’aan hal xilli ciyaareed: 0 waxaana heesata Arsenal iyadoo dhinaceeda dhulka la dhigi waayay xilli ciyaareedkii (2003-04).

Rikoorka Barbaraha ( Bareejo ).

™Barbaraha ugu badan taarikkhda Premier League: 297 kulan waana inta uu Premier League jiro taariikhda: waxaa heesata Everton.

™Barbaraha ugu badan hal xilli ciyaareed: 18 kulan waxaa isla heesta 3 kooxood.
Manchester City (1993–94)
Sheffield United (1993–94)
Southampton (1994–95).

Rikoorka Goolasha Kooxaha:

™Goolasha ugu badan ee la dhaliya hal xilli ciyaareed: 106 gool, waxaa heesata Manchester City (xilli ciyaareedkii 2017–18).

™Goolasha ugu yar ee la dhaliyaa hal xilli ciyaareed: 20 gool, waxaa heesata Derby County (2007–08).

™Goolasha ugu badan ee koox laga dhaliya hal xilli ciyaareed (38 kulan): Derby County ayaa heesata waxaana laga dhaliyay 89 gool xilli ciyaareedkii (2007–08).

Rikoorka Taageerayaasha:
™Taageerayaasha ugu badan ee soo xaadira ha ciyaar oo horyaal ah:
83,222 oo taageerayaal ah,  waxay soo xaadireen ciyaar u dhaxeesay Tottenham Hotspur iyo Arsenal taas oo ka dhaceesay Wembley Stadium, 10kii February 2018dii. Waxayna kuso dhamaatay 1 iyo 0 oo ay guusha ku raacday Tottenham.
™Taageerayaasha ugu yar ee soo xaadira hal ciyaar : 3,039 oo taageerayaal ah ayaa soo xaadiray kula u dhaxeeyay Wimbledon iyo Everton kulaankaas oo kuso dhamaaday 1–3 oo ay guusha ku raacda Everton (Garoonka: Selhurst Park, 26 January 1993).
Rikoorada Ciyaaryahanada:
Rikoorka Safashada:
∆ Ciyaaryahanka ugu safashada badan: 653 kulan, Gareth Barry (2 May 1998 to 24 February 2018).
∆ Ciyaaryahanka ugu da’da weyn ee safta: John Burridge, 43 sano iyo 162 maalmood (waxuu saftay ciyaar u dhaxeesay Manchester City iyo Queens Park Rangers, 14kii May 1995tii).
∆ Ciyaaryahanka ugu da’da yar ee safta: Harvey Elliott, 16 sano iyo 30 maalmood (kulan u dhaxeeyay Fulham iyo Wolverhampton Wanderers, 4 May 2019).
∆ Ciyaaryahanka ugu safashada badan kulamo xiriir ah: 310 kulan oo xiriir ah, Brad Friedel (14kii August 2004tii ilaa 7dii October ee 2012ka).
∆ Ciyaaryahanka safta Xilli ciyaareedyada ugu badaan: Ryan Giggs ayaa heesta 22 xilli ciyaareed (xilli ciyaareed walba ayuu saftay 1992–93 ilaa 2013–14).
Rikoorka Gool Dhalinta:
√ Goolki u horeeyay ee la dhaliya kadib magaca Premier League: Brian Deane ( Sheffield United v. Manchester United, 15 August 1992).
√ Goolasha ugu badan Premier League : 260 gool, Alan Shearer.
√ Goolasha ugu badan ee hal koox loo dhaliya Premier League : 183 gool, Wayne Rooney (Wuxuu u dhaliyay Manchester United).
√ Da’da ugu weyn ee gool lagu dhaliyaa: Teddy Sheringham ayaa heesto  40 sano iyo 268 maalmood isagoo dhaliyay ciyaar dhexmartay  West Ham United iyo Portsmouth, 26 December 2006.
√ Da’da ugu yar ee giil lagu dhaliyaa: 16 sano iyo 271 maalmood, James Vaughan ( Everton v. Crystal Palace, 10 April 2005).
√ Kulamada xiriirka ah ee shabaqa lasoo taabtay: Jamie Vardy wuxuu soo taabtay shabaqa 11 kulan oo xiriir ah (Leicester City, 29 August ilaa 28 November 2015).
√ Xilli ciyaareedyada isku xiga ee shabaqa lasoo taabtay: Ryan Giggs wuxuu soo taabtay 21 xilli ciyaareed oo xiriir ah  (1992–93 ilaa 2012–13).
√ Saddexleyda ugu badan Premier League-ka: Alan Shearer.
√ Ciyaaryahanka goolasha ugu badan dhaliyaa xilli ciyaareedkiisa ugu horeeyo: Kevin Phillips wuxuu dhaliyay 30 gool (Sunderland, 1999–2000)
√ Saddexleyda ugu badan hal xilli ciyaareed: 5, Alan Shearer (Blackburn Rovers, 1995–96).
√ Goolasha ugu badan ee la dhaliya ha kulan: 5 gool waxaa isla heesta:
• Andy Cole ( Manchester United v. Ipswich Town, 4 March 1995) oo guusha ku raacday Manchester 9 iyo 0.
• Alan Shearer (Newcastle United v. Sheffield Wednesday, 19 September 1999) 8 iyo 0 waxaa ku badisay Newcastle.
• Jermain Defoe (Tottenham Hotspur v. Wigan Athletic, 22 November 2009) 9-1 waxaa ku badisay Tottenham.
• Dimitar Berbatov (Manchester United v. Blackburn Rovers, 27 November 2010) 7–1 waxaa lagu garaacay Blackburn.
Sergio Agüero (Manchester City v. Newcastle United, 3 October 2015) 6–1 waxaa lagu xasuuqay Newcastle.
√ Goolka ugu dhaqsiha badan: 7.69 seconds, Shane Long wuxuu ku dhaliya 7 ilbiriqsi iyo 69 dhururuq (wuux u dhaliyay Southampton xilli ay la ciyaareesay Watford, 23 April 2019).
√ Saddexleyda ugu dhaqsiha badan: 2 daqiiqo iyo 56 ilbiriqsi, Sadio Mané (wuxuu u dhaliyay Southampton kulan ay la ciyaareesay Aston Villa, 16kii May 2015ka).
√ Goolasha ugu badan ee lagu dhaliya bil gudaheed: Luis Suárez  wuxuu ku dhaliya 10 gool bil gudaheed (December 2013) (wuxuu u dhaliyay Liverpool).
√ Ciyaaryahanka goolasha ugu badan iska dhaliayay ( own goals ) : Richard Dunne wuxuu iska dhaliyay 10 gool.
Sida loo kala sareeyo gool dhalinta Taariikhda Premier League-ka.
1 Alan Shearer wuxuu dhaliyay 260 gool isagoo soo ciyaaray 441 kulan laga bilaabo xilli ciyaareedkii 1992–93 ilaa 2005–06.
2 Wayne Rooney wuxuu dhaliyay 208 gool isagoo saftay 491 kulan laga bilaabo 2002–03 ilaa 2017–18.
3 Andy Cole wuxuu dhaliayay 187 gool isagoo ciyaaray 414 kulan laga bilaabo 1993–94 ilaa 2006–07.
4 Frank Lampard wuxuu dhaliyay 177 gool isagoo saftay 609 kualn laga bilaabo 1997–98 ilaa 2014–15.
Frank Lampard waa ciyaaryahanka ugu goolasha badan ciyaartoyda khadka dhaxe ka ciyaaraan.
5 Thierry Henry wuxuu dhaliyay 175 gool isagoo ciyaaray 258 kulan laga bilaabo 1999–2000 ilaa 2011–12.
6 Sergio Agüero wuxuu dhaliyay 172 gool isagoo saftay 245 kulan laga bilaabo 2011–12 ilaa 2019–20.
Rikoorka Caawimaada:
1 Ryan Giggs wuxuu sameeyay 162 caawimaad isagoo ciyaaray 632 kulan laga bilaabo 1992–93 ilaa 2012–13.
2 Cesc Fàbregas wuxuu sameeyay 111 caawimaad isagoo saftay 350 kulan  laga bilaabo 2004–05 ilaa 2017–18.
3 Wayne Rooney wuxuu sameeyay 103 caawimaad wuxuuna saftay 491 kulan laga bilaabo 2002–03 ilaa 2017–18
4 Frank Lampard wuxuu sameeyay 102 caawimaad isagoo saftay 609 kulan laga bilaabo 1997–98 ilaa 2014–15
5 Dennis Bergkamp wuxuu sameeyay 94 caawimaad wuxuuna soo ciyaaray 315 kulan1995–96 ilaa 2005–06
6 Steven Gerrard wuxuu sameeyay 92 caawimaad wuxuuna saftay 504 kulan laga soo bilaabo 1999–2000 ilaa 2014–15
Rikoorka Goolhaye yaasha (Goalkeepers Record).

Sida loo kala sareeyo shabaq ilaalinta (Clean sheets):
1 Petr Čech 202 kulan.
2 David James 169 kulan.
3 Mark Schwarzer 151 kulan.
4 David Seaman 140 kulan.
5 Nigel Martyn 137 kulan.
6 Pepe Reina 134 kulan.
7 Edwin van der Sar, Tim Howard, Brad Friedel waxay isla heestaan min 132 kulan.
10 Peter Schmeichel 128 kulan.
Hadii aad ka hesho halka hoose faalo ku reeb

Leave a Reply