Arsenal Oo Si Layaab Leh Ugu Dhaqaaqday Ciyaaryahan Ka Ciyaara Horyaalka China .. Waa Kuma Talow?

Arsenal Oo Si Layaab Leh Ugu Dhaqaaqday Ciyaaryahan Ka Ciyaara Horyaalka China .. Waa Kuma Talow?

Arsenal ayaa ka mid ah kooxaha xiiseynaya saxiixa Stephan El Shaarawy oo ka socda Shanghai Shenhua suuqa xaggaagan, sida laga soo xigtay Gianlucadimarzio.com.
Waxaa lagu soo waramayaa in Shenhua ay fasax u siisay El Shaarawy inuu heshiis la gaaro koox ka dhisan Yurub oo heshiis amaah ah kula soo wareegeysa ilaa bisha Janaayo.
Warbixinta ayaa sheegtay in heshiiska amaahda la kordhin karo ama laga dhigi karo mid joogto ah.
Arsenal, Atletico Madrid iyo Paris Saint-Germain ayaa xiriiro la sameeyay oo ku saabsan saxiixa 27 jirkaan garabka ka ciyaara, laakiin ciyaaryahanka doorbidkiisa ayaa ah inuu ku laabto kooxdiisii ​​hore ee Roma, sida lagu sheegay warbixinta.
Habada Arsenal Ma U Baahan Tahay El Shaarawy?
El Shaarawy wuxuu muujiyay balanqaad badan markii uu joogay AC Milan wuxuuna sifiican uga soo muuqday Roma.
Inkastoo ciyaaryahanka garabka ka ciyaara uu leeyahay tayo badan, hadana dhab ahaan loogama baahna Arsenal, iyadoo si bilaash ah kula soo saxiixday xiddiga reer Brazil Willian horaantii xagaagan.
Willian wuxuu ka ciyaari karaa qadka dhexe ee weerarka ama garabka , 32 jirkaan ayaa ka fiican tayo ahaan El Shaarawy.
Arsenal ayaa heysata ciyaartoy ku filan oo weerar ah, kooxda ka dhisan Waqooyiga London uma baahna inay keensato ciyaaryahan sida El Shaarawy oo kale ah.
Hadii aad ka hesho halka hoose faalo ku reeb

Leave a Reply