Falanqeynta Chelsea vs Brighton: Waxaa la saadaaliyay 4-3-3 yaa ka maqan yaase diyaar ah.

Falanqeynta Chelsea vs Brighton: Waxaa la saadaaliyay 4-3-3 yaa ka maqan yaase diyaar ah.

Frank Lampard ayaa raadinaya inuu ololaha cusub ee Chelsea ka dhigo mid ka socda koonfurta xeebta isagoo kooxdiisa la tagaya Brighton.  Tababaraha Blues ayaa sameeyay saxiixyo dhowr ah xagaagan hadana waxa uu la galay heshiiska goolhayaha Rennes Edouard Mendy.

Mendy lama saxiixan doono waqtiga ka hor kulanka Seagulls mana noqon doono midka kaliya ee cusub ee seegi doona.

Ben Chilwell ayaa wali kalkaalinaya cidhibta halka Thiago Silva uusan wali tababar la qaadan kooxda.

Hakim Ziyech ayaa sidoo kale ku seegay dhaawac soo gaaray kulankii saaxiibtinimada Brighton ee 1-1 ku dhamaaday.

Kepa Arrizabalaga ayaa kuso bilowday maalintaas wuxuuna ciyaaray qeybtii hore laakiin Express Sport ayaa ku doodayaan inuusan ciyaareen kulankaan.

Waxa uu u adkaystay waqti adag laakiin Lampard ayaa isaga fursad u siin kara in uu ilaalsado booskiisa No inta la gaarin imaatinka Mendy.

Marcos Alonso waa inuu ku soo bilowdaa daafaca bidix isagoo bedelaya Chilwell.

Antonio Rudiger iyo Kurt Zouma ayaa laga yaabaa inay noqdaan wadnaha difaaca.

Reece James ayaa lagu wadaa inuu kusoo bilowdo sababo la xiriira xaqiiqda ah in Cesar Azpilicueta uusan taam aheyn ayee u egtahay.

Khadka dhexe, Jorginho ayaa laga yaabaa inuu ku soo bilowdo isagoo la hubin ka dib markii uu lumiyey booskiisa kooxda xilli ciyaareedkii hore.

N’Golo Kante ayaa sidoo kale khadka dhexe ka garab ciyaari doona Mason Mount.

Wiilasha cusub Timo Werner iyo Kai Havertz waa inay ku bilowdaan weerarka.

Waxay noqon doontaa markii ugu horreysay ee Havertz uu saf u galo kooxdiisa cusub halka Werner uu durbaba helay shabaqa xilli ciyaareedka isku diyaarintiisa.

Christian Pulisic ayaa noqon doona xiddig la hubo laakiin waxa uu kaliya ku soo laabtay tababarka ka dib dhaawac muruqa ah.

Line Up-ka La Filaayo.

Chelsea predicted XI vs Brighton (4-3-3): Kepa; Alonso, Zouma, Rudiger, James; Jorginho, Kante, Mount; Havertz, Werner, Giroud.

Hadii aad ka hesho halka hoose faalo ku reeb

Leave a Reply