Fulham oo Ka faaideysatay fursad kooxaha waaweyn ay arki waayeen.

Fulham ayaa kala soo wareegtay daafaca reer Holland Kenny Tete kooxda reer France ee Lyon heshiis aan la shaacin.
24 jirkaan ayaa ku biiraya qandaraas afar sano ah isagoo leh ikhtiyaari ah inuu heshiiska u kordhiyo 12 bilood oo dheeri ah.
Tete, oo ciyaaray 13 kulan oo here qaran ah, ayaa xirfadiisa ciyaareed ka bilaabay Ajax ka hor inta uusan ku biirin Lyon 2017.
“Kooxda ayaa ku soo laabatay Premier League haatan, waxaan siin doonaa 100% si aan halkaas ugu sii nagaano,” tababaraha reer Holland ayaa yiri ka dib markii uu dhameystiray heshiiskiisa Khamiistii.
Daafaca midig ayaa ka caawiyay kooxdiisii ​​hore inay gaaraan semi-finalka Champions League bishii Ogosto, waxaana ay la ciyaareen Dijon isbuucii hore.
 “Waa dareen weyn. Waxaan dareemayaa barako inaan halkaan joogo,” Tete ayaa u sheegay FFCtv.  Ma sugi karo inaan bilaabo safarkayga cusub iyo inaan la kulmo asxaabteyda cusub.
Fulham ayaa martigelin doonta kooxda Arsenal kulankooda furitaanka Premier League ee xilli ciyaareedka cusub sabtida (12:30 BST).
Tony Khan, agaasimaha isboortiga ee Fulham, wuxuu yiri imaatinka Tete “wuxuu xoojiyay kooxdeena si aan ugula tartamo Premier League”.
“Waa ciyaaryahan da ‘yar oo khibrad weyn leh, waana ku faraxsanahay inuu nagu soo biirayo qandaraas dheer.”
Hadana Xidigaan ayaa la aaminsan yahay inay iska indha tiriin awoodisa kooxaha waaweyn ee kubada cagta balse Fulham ayaa afka u dhigatay.
Hadii aad ka hesho halka hoose faalo ku reeb

Leave a Reply