Maxay Tahay Balanta Layaabka Leh Ee Uu James Rodriguez ka qaaday Everton

Maxay Tahay Balanta Layaabka Leh Ee Uu James Rodriguez ka qaaday Everton

James Rodriguez wuxuu balan qaad qatar ah u qaaday taageerayaasha Everton madaama uu sugayo kulankiisii ​​ugu horeeyay
Saxiixa cusub ee kooxda Everton James Rodriguez ayaa ku adkeysanaya in qaab ciyaareedkiisa ugu fiican uu ku imaan doono garoonka Goodison Park ee uu hoostago Carlo Ancelotti ka dib markii uu hoos u dhacay qaab ciyaareedkiisa inta uu KU sugnaa  Real Madrid iyo Bayern Munich.
James Rodriguez wuxuu u soo ciyaaray kooxaha Real Madrid iyo Bayern Munich – laakiin wuxuu balanqaaday in waxa ugu fiican uusan wali imaan Everton.
Saxiixa cusub ee Toffees ayaa ku adkeysanaya inuu haatan yahay ciyaaryahan fiican maadama uu yahay 29 jir, kaasoo ka fiican kii u shiday Koobkii Adduunka ee 2014 ee Colombia.
Ka dib lix sano oo uu ku guuldareystay inuu gaaro heerarkii uu ugu balan qaaday Real – oo ay ku jirtay amaah labo sano ah oo uu ku qaatay Bayern – wuxuu aaminsan yahay in kooxda Everton ay arki doonto sida ugu fiican isaga.
“Waxaan rajeynayaa sidaas, waxaan u maleynayaa inaan ahay da ‘yar waxaan u maleynayaa inay sanado iga harsan yihiin inaan ciyaaro kubad wanaagsan waana sababta aan halkaan u joogo, inaan ku sameeyo kooxdan weyn,” ayuu yiri saxiixa 20 milyan oo ginni.
 “Tani waa waxa aan doonayo, waxaan rajeynayaa inaan ku sugnaan karo heer sare.
 Waxaan ahay qof raba maalinba maalinta ka dambeysa inaan inbadan ciyaaro, si aan u muujiyo tayo.
“Lix ama toddobo sano ka hor waxaan haystay wax wanaagsan, heer fiican ayaan soo maray.
 “Waxaan rajeynayaa inaad halkaan joogtid, kubbada cagta marka aad sifiican u ciyaarayso, waa inaad heysataa dad adiga agtaada ah oo ku aamini kara, sidaa darteed waxaad ku bixin kartaa waxa kuugu fiican.
Kubadda cagta adiga kaliya ma ahan, waa inaad dad ku ag-leedahay, garoonka dhexdiisa iyo dibaddaba, oo kula jooga – arrimo badan ayaa jira. ”
Hadaba aan ka war sugno wacadarada uu dhigo James Rodriguez.
Hadii aad ka hesho halka hoose faalo ku reeb

Leave a Reply