Toobaraha Liverpool Klopp oo weerar ku qaaday kooxaha Chelsea iyo Man City

Toobaraha Liverpool Klopp oo weerar ku qaaday kooxaha Chelsea iyo Man City

Saxiix la’aanta Liverpool saameyn ma ku yeelan doontaa difaacashada horyaalka Gab Marcotti ayaa sharxaya sababta aysan Liverpool weli u la soo saxiixan xiddig caan ah iyo sida ay u saameyn karto iyaga xilli ciyaareedkan.

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa qirey awooda qarash gareynta ee kooxaha Chelsea iyo Manchester City wuxuuna sheegay in kooxaha qaar ay leeyihiin “dalal.”
Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa kaliya Kostas Tsimikas kala soo wareegtay kooxda Olympiakos xagaagan, waxaana ay ku dhibtoonayeen raacdada ay ugu jiraan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bayern Munich Thiago.
Chelsea ayaa lacag badan ku qarashgareysay imaatinka Timo Werner, Kai Havertz, Ben Chilwell iyo Hakim Ziyech halka City ay dhameystirtay heshiisyo badan oo ay kula soo wareegeen Nathan Ake iyo Ferran Torres.
“Waxaan ku nool nahay adduun waqti xaadirkan oo aan ku jirno hubanti la’aan badan,” ayuu Klopp u sheegay BBC Radio 5 Live.  Kooxaha qaar waxay ula muuqataa aduunka wax aan muhiim aheyn.
Waxaa iska leh dalal, waxaa iska leh dad aan xisaabtamin, taasi waa runteyda. Waxaan nahay naadi nooc kale ah.  Waxaan gaarnay finalka Champions League labo sano ka hor, waxaan ku guuleysanay sanadkii hore.
“Waxaan noqonay kooxda hanatay Horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore anagoo noqonay kooxda aan nahay. Ma bedeli karno habeen kaliya oo ma dhihi karno: ‘Hada waxaan dooneynaa inaan u dhaqanno sida Chelsea oo kale.’
“Waxay la soo wareegayaan ciyaartoy badan. Taasi waxay noqon kartaa faa’iido, laakiin taasi waxay la micno tahay was inay noqdaan kuwa isfahmay.
Klopp oo hadalkiisa sii wata ayaa Yiri “Ma dhici karto inaa 11-ka ciyaaryahan ee adduunka ugu fiican aad keenti kadibna asbuuc kadib ay Kuu ciyaaraan kubbada ugu fiican.
“Waxay ku saabsan tahay ka shaqeynta goobta tababarka. Taasi waxay u badan tahay inay faa’ido noo tahay Liverpool ahaan. Muddo ayaan wada shaqeynay Waxaan noqonay kuwa is fahamsan.”
Tababaraha Liverpool ayaa sidoo kale ku lug lahaa hadalo kulul oo dhexmaray tababaraha Chelsea Frank Lampard xilli ciyaareedkii hore wuxuuna sheegay inuu u baahan yahay inuu wax barto.
Liverpool ayaa bilaabi doonta difaacashada horyaalka ayadoo la ciyaaro doonta kooxda cusub ee soo dallacday ee Leeds United Sabtida kulankaas oo ka dhici doona Anfield.
Hadii aad ka hesho halka hoose faalo ku reeb

Leave a Reply